7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 14, 2024
Xil. Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan oo Soomaaliya ku matalaysa tartanka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika
 

Axad, January, 14, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya ayaa Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, u dooratay inay ku metasho Soomaaliya tartanka Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Sanadaha 2025-2028.

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay inay tallaabadan  qeyb ka tahay xoojinta doorka ay ku leedahay Ururada Caalamiga iyo kuwa Gobolkaba.

Xildhibaan Fowsiyo ayaa horey usoo noqotay wasiirkii hore ee arrimaha dibbada Soomaaliya, ahna raysal wasaare ku xigeen, sanadihii 2012/2013.

Waxay hadda muddo toban sano ka badan kamid tahay baarlamaanka Soomaaliya.

Sanadkii 2022 waxay noqotay haweeneydii Soomaaliyeed ee ugu horraysay oo ka qeyb gasha tartanta  madaxweynaha Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya marna masoo qaban xilkaan tan iyo sanadkii 2002 oo ahayd markii si rasmi ah loo daafuray ururka Midowga Afrika.  

Shan xubnood ayaa isaga kala dambeeyay jagooyinka guddiga Midowga Afrika. Waxayna kala yihiin; Amara Essy (Ivory Coast), Alpha Oumar Konare (Mali), Jean Ping (Gabon), Nkosazana Diamini- Zuma (South Africa)  iyo Musse Faki Mohamed (Chad).