7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 14, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta warqadaha aqoonsiga ka guddoomay afar Safiir

Axad, January, 14, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka ah Hindiya, Japan, Czech iyo Ururka Jaamacadda Carabta.

Safiiraddaan oo dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya ayaa lagu kala magacabaa Marwo Namgya Choden, Okaniwa Ken, Miroslav Kosek iyo Abdullahi Mutlaq Al Otabi.

Danjirayaasha cusub ayaa madaxweyne Xasan Sheekh la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanada dalalkooda, kuwaas oo sidoo kale soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah oo ay la wadaagaan dowlada iyo Shacab ka Soomaaliyeed.

"Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin Dowladahoodu, waxa uuna xusay ahmiyadda ay leedahay in ay xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka" ayaa lagu yiri war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhankiisa u sheegay Safiiradda cusub iney soo dhoweyn iyo wadashaqayn wanaagsan kala kulmayaan  shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana dowladda Federaalka ay ku garab istaagayso gudashada waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo soo igmaday.