7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 14, 2024
Shil gaari oo galabta ka dhacay degmada Shabeeley ee duleedka magaalada Jigjiga

Axad, January, 14, 2024 (HOL) - Wararka ka imaanaya Dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in galabta uu shil gaari oo khatartiisu badnayd uu ka dhacay degmada Shabeeley oo katirsan gobolka Faafan ee Dowlad degaanka Soomaalida.

Shilkan ayaa dhacay kaddib markii ay isku dhaceen labo gaadhi oo midna uu ahaa Iskarogo dhagaxa qaada ama Sinotruck iyo bas waday dad rakaab ah, kaas oo keenay dhimashada ilaa 11 qof iyo dhaawaca oo ilaa 12 gaadhaya sida ilo ku dhow goobta uu shilku ka dhacay u sheegeen HOL.

Meydadkii iyo dhaawiciiba waxaa loo qaaday dhinaca magaalada Jigjiga halkaa oo lageeyay Isbitaalka weyn ee Sheikh Hassan Yabare Referal Hospital, waxayna wararku sheegayaan inay wakhti xaadirkan ay isbitaalkaas soo buux dhaafiyeen Ehelada dadkii shilkaas ku dhintay iyo kuwii dhaawucu soo gaaray.

Gawaadhida waawayn gaar ahaan noocan Iskarogoda ah ayaa badanaa shilalkeedu badan yihiin, iyadoo degaanka Soomaalida looga yaqaano Qay Shibir oo ah Argagaxisadii casayd, badanaa waxay ku socdaan xawaare sare waxaana lagu eedeeyaa darawalada gawaadhidan inay yihiin kuwo aan sidii la rabay u wadin gawaadhidan.

Shacabka ku dhaqan degaanka Soomaalida ayaa badanaa ka cawda gawaadhida noocan ah oo shilalkoodu badan yihiin, waxayna dowladda ku eedeeyaan inaysan dabagal badan ku hayn gawaadhidan.