7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 14, 2024
Raysal wasaare Xamse "Itoobiya waxaan leyahay naga leexda hadad naga lexan weydan waxan idin tuseyna waxad ku lexatan"
 

Axad, January, 14, 2024 (HOL) - Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta markale si kulul uga hadlay damaca dowladda Itoobiya ay ku dooneyso qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay ineysan marnaba dhici doonin in taako ka mid ah dhul Soomaaliyeed ay qaadato Itoobiya.

"Dhulka Soomaaliyeed hees iyo hanjabaad laguma qaadan karo, ciddii soo haweysatana waxaa ka soo horreeya dhiig iyo xinjirro lagu difaacayo dhulka" ayuu yiri Raysal wasaare Xamse.

Xamse Cabdi Barre ayaa ugu baaqay dowladda Itoobiya iney ka leexato dhulka Soomaaliyeed, islamarkaana hadii ay ka leexan weydo la tusi doono waxay ku leexato.

”Itoobiya taako ka mid ah dhulka Soomaaliya ma imaan karto haddii ay imaatana iyadoo Meyd xambaarsan ayay ka baxaysaa” ayuu yiri Raysql wasaare Xamse Cabdi Barre.

Hadalkaan ayuu Maanta ka jeediyay Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya munaasabad lagu xusayay sanad guuradii 25-aad ee kasoo wareegatay aasaaska daladda waxbarashada FPENS oo maanta lagu qabtay Muqdisho.