7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 14, 2024
Shil baabuur oo sababay dhimashada 2 qof oo ka dhacay magaalada Berbera
 

Axad, January, 14, 2024 (HOL) - Inta la xaqiijiyay 2 qof ayaa ku nafwaayay 4 kalena way ku dhaawacmeen shil baabuur oo ka dhacay magaalada Berbera ee Somaliland.

Shilka ayaa waxa sababay isku dhaca baabuur booyad ah iyo baabuur nooca yar yar ee Probox ka loo yaqaano, gudaha magaalada Berbera sida ay baahisay warbaahinta gobolka Saaxil, iyada dhaawaca dadka ku waxyeeloobay lagu dabiibayo Isbitaalka Berbera.

"Waxa Isbitaalka Guud ee Magaalada Berbera soo gaadhay 2 ruux oo dhimasho ah, iyo 4 qof oo dhaawac ah, dhaawacaas iyo dhimashadaas oo ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen baabuur booyad ah iyo baabuur Probox ah" Agaasimaha Isbitaalka Berbera ayaa sida warbaahinta u sheegay.

Agaasimaha ayaa sheegay in qaar kamid ah dhaawaca uu shilku sababay ay xaaladoodu aad u darantahay, isla markaana ay kula tacaalayaan isbitaalka.

Dhinaca kale waxa uu digniin u diray dirawalada ka hawlgala gobolka Saaxil oo uu ugu baaqay in ay baabuurta si degan u wadan si looga baaqsado shilalka.