7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 14, 2024
Somaliland oo sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu galay gafwayn oo sharci
 

Axad, January, 14, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa sheegtay in siyaasiyiinta reer Muqdisho ay dagaal ay kali ku yihiin ay ku hayaan Somaliland iyo Itoobiya, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Maxamed Xasan (Cali Mareexaan).

Wasiirka ayaa si gaar ah Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu eedeeyay in uu galay qalad wayn oo sharci isaga oo sheegay in qudbad rasmi ah uu ku sheegay in anay jirin xuduud rasmi ah oo u dhaxaysa Itoobiya iyo Soomaaliya, taasi oo uu sheegay in ay tahay gaf sharci oo wayn.

"Madaxweynaha Soomaaliya maalin dhawayd oo uu hadlayay qalad wayn oo sharci ayuu galay, marka meel aad marayso aad garanwaydo hadalku waa kaa tag tagayaa, wuxuu yidhi xuduud anaga iyo Itoobiya noo dhaxaysa oo sharci ahi ma jirto" ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

Wasiirka ayaa sheegay in siyaasiyiinta kasoo jeeda magaalada Muqdisho ay Somaliland ku hayaan dagaal aanay Soomaalida kale ku wehelin.

"Ama masaajid ka hadla, ama dad mudaharaadaya ka hadla oo, afkiiniina qiimihii ka dhamaa, Somaliland-na eed iyo godob, ayaad u qaadeen hadaad siyaasiyiinta reer Xamar tihiin" ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan.

Dowlada Soomaaliya ayaa aad uga cadhootay heshiiska badda ee dhawaan dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, iyada oo ku tilmaantay xadgudub ay Itoobiya ku samaysay madaxbannaanida Soomaaliya.