7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 10, 2024
Xildhibaano Mooshin ka keenay heshiiyo ay soo gashay Xukuumadda Soomaaliya
 

Arbaco, January, 10, 2024 (HOL) - Mudanayaal ka tirsan Barlamaanka Fedaraalka Soomaaliya oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in gudoonka sare ay u gudbiyeen mooshin ka dhan ah heshiiyo amni oo ay sheegeen in Xukuumadda ay lasoo gashay dalalka Itoobiya iyo Imaraadka Carabta.

Xildhibaanada ayaa dalbaday in golaha la hor keeno mooshinka si loola xisaabtamo  Xukuumadda heshiisyada qarsoodiga ah oo ay soo gashay.

Faa'iso Jeyte oo ka mid Mudanayaasha  Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta la hadashay ayaa beenisay in laga laabtay mooshinkaan oo ay horay u gudbiyeen. Iyadoona sheegtay in guddoonka ay ka war sugayaan.

“Baarlamaanka wuxuu si weyn uga walaacsan yahay nuxurka iyo haykalka guud ee heshiisyada sida hoose loola galay wadamada Imaaraadka, Itoobiya, Turki, Sudan iyo Uganda in badan Golaha Shacabka wuxuu welwel ka muujinaayay heshiisyada ay sida hoose u soo saxiixday xukuumadda, ayada oo aan loo soo gudbin Baarlamaanka” ayay tiri Faa'isa Jeyte.

Xildhibaanadaan ayaa ugu baaqay Raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre in si deg deg ah loo horkeeno heshiisyadaas Baarlamaanka Soomaaliya.

“Waxaan si deg deg ah u fareynaa Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya inay si deg deg ah u horkeento Golaha Shacabka dhamaan heshiisyada ay sida qarsoodiga usoo gashay” ayaa lagu yiri bayaanka Xildhibaanada.