7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 10, 2024
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta kulan la qaatay Taliyaasha ciidamada dowlada

Arbaco, January, 10, 2024 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo uu  kusoo dhaweeyay taliyaha ciidanka xoogga dalka sareeye Gaas Ibraahin Sheekh Muxidiin Cadoow.

Taliye Ibraahin Sheekh Muxidiin ayaa ugu horeyn madaxweyne Xasan Shekh warbxin ka siiyay xaalada dalka iyo halka ay marayaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka socda qaar ka mid ah gobolada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale kulan guud la qaatay saraakiisha ciidanka iyo Taliyaasha ciidamada Badda, Cirka iyo Taliye ku xigeenka ciidamada dhulka ee Xooga dalka Soomaaliyeed, waxaana kulanka goob joog ahaa madaxda hogaanada iyo talska guud ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Kulankaan uu maanta la qaatay madaxweyne Xasan Sheekh hogaanka sare ee ciidanka xooga dalka ayaa kusoo beegmaya, iyadoo dowladda Fedaraalka ay wado qorshe dib loo dardar galiyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee dalka looga xureynaayo.

Wararka waxay intaasi ku darayaan inuu dhawaan si toos ah u bilaaban doono wajiga labaad ee dagaalka dowladda ay ku dooneyso iney dalka guud ahaantiisa kaga xureyso kooxda Al-shabaab, kaasoo ka xoog badnaan doona wajiga koowaad ee dagaalka, maadama Soomaaliya laga qaaday cunaqabateyntii hubka ee saarneyd mudo ka badan 30 sano.