7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 10, 2024
Wasiir Fiqi "Kaniisadaha dalka Itoobiya iyo qeybo kale waxaa ka socda diyaar garoowga boobka dhulka Soomaaliyeed"
 

Arbaco, January, 10, 2024 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda arrimaha Gudaha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaciyay in magaalada Muqdisho berito oo Khamiis ah uu ka dhaci doono banaanbax weyn oo lagu muujinaayo dareenka shacabka Soomaaliyeed kaga aadan heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in talaabada guracan ee Itoobiya iney ka weyn tahay heshiis, isagoona tilmaamay in Kaniisadaha iyo meelo kale oo ka mid ah dalkaas ay ka socdaan diyaar garoow ay ku doonayaan boobka ay ka damacsan tahay dowladda Itoobiya dhulka Soomaaliyeed.

Wuxuu dalbaday Wasiir Fiqi in Shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay Caalamka ka joogaan iney ka dhiidhiyaan damaca guracan ee xadgudubka ku ah dhulka Soomaaliyeed oo ay ku howlan tahay dowladda Itoobiya.

“Waad arkayseen Kaniisadaha Itoobiya oo leh Saylac aan qof u magacaabano, arrintaan way ka wayn tahay heshiis oo waxa ay taabanaysaa Diin, Dal iyo Dad, waa in aan maalinta khamiista 11ka Janaayo 2024 isusoo baxno oo aan muujino dareenkeenna, waa in aan la yaraysan damaca Abiy ee ku hadaaqi jiray oo ah inuu samaysto bad oo ay xaq u leeyihiin in ay bad helaan” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Axmed Fiqi.

Hadalka Wasiirka arrimaha gudaha ayaa kusoo beegmaya, iyadoo magaalada Muqdisho uu ka socda abaabulkii ugu dambeeyay banaanbax ka dhan ah damaca gurracan ee Itoobiya ay ku doonayso iney ku qaadato qayb ka mid ah badda Soomaaliya.