7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 10, 2024
Ku dhawaad 10 qof oo ku geeriyooday dagaalkii saakay ka dhacay gobolka Sool
 

Arbaco, January, 10, 2024 (HOL) - Ku dhawaad 10 qof ayaa ku geeriyooday, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen iska hor imaad saakay ciidamo maleyshiyo beeleed ah ku dhexmaray degaanka Maraaga oo qiyaastii 7km dhinaca bari uga beegan magaalada Laascaanood.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa isugu jiray dhinacyadii dagaalamayay, iyo dhowr qof oo kale, kuwaas oo doonayay inay kala dhexgalaan labada ciidan ee dagaalamayay.

Iska hor imaadkan ayaa ka dhashay ka dib markii labada ciidan ay isku qabsadeen lahaanshaha gaari uu qori saaran yahay, kaas oo kamid ah hubkii ciidamada Somaliland looga furtay dagaalkii ka dhacay Goojacadde.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la kala geeyay isbitaalada Garowe iyo Laascaanood, waxaana haatan degen xaaladda goobta uu dagaalku ka dhacay, iyadoo lagu guulaystay in xabbada la joojiyo.

Si kastaba ha ahaatee, dagaaladii ciidamada Somaliland looga saaray gobolka Sool, ayaa keentay in hub badan uu gacanta u galo maleyshiyo beeleedyadii halkaas ka dagaalamay.

Ma ahan markii ugu horraysay oo ciidamo maleyshiyaad ah ay isku qabsadaan hub ay qabsadeen. Haatan kiisas badan oo nuucaan oo kale ah ayaa ka taagan SSC- Khaatumo, kuwaas oo u baahan in xal laga gaaro.