7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 10, 2024
Beesha caalamka oo ku baaqday in nabad lagu dhameeyo khilaaf kaste oo ka dhashay doorashada Puntland
 

Arbaco, January, 10, 2024 (HOL) - Beesha caalamka ayaa soo dhaweysay doorashada madaxweynaha Puntland ee 8da Janaayo 2024.

War ay soo saareen beesha caalamka ayay ku sheegeen in ay bogaadinayaan dadaalka dhammaan daneeyayaasha siyaasadda iyo doorashada, si loo xaqiijiyo hannaanka nabadeed laguna dhiirrigeliyo dhammaan dhinacyada inay ilaashadaan xasiloonida.

Beesha caalamka waxay ku baaqday Khilaaf kasta oo ka dhashay doorashada in lagu xalliyo si nabad ah iyadoo loo marayo habab ku habboon.

“Waxaan mar kale xaqiijineynaa sida ay nooga go’an tahay dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan dowladnimada dimuqraadiga ah iyo in aan horumar ka sameyno doorasho xalaal ah, daahfuran oo toos ah,” ayay tiri beesha caalamka.

Siddeedii January, madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku guulaystay in mar kale loo doortay inuu hoggaamiyo Puntland.

Musharaxiintii la tartantay ayaa soo dhoweeyay natiijada doorashada marka laga reebo Xasan Shire Abgaal oo ay aad siyaasada isugu hayeen, kaasoo illaa iyo haatan aan ka hadlin doorashada, sidoo kalena ka gaabsaday marti qaad uu Deni u fidiyay musharaxiinta kula tartantay xilka madaxweynaha.

Ciidamo mucaarad ah oo kasoo horjeeda doorashada ayaa sidoo kale falal lid ku ammaanka ka sameeyay magaalada Garowe, kuwaas oo sheegay inay kasoo horjeedaan waxay ugu yeereen is doorashada madaxweyne Deni