7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 10, 2024
Ururka Oromada Itoobiya oo aad uga walaacsan badqabka muwaadiniinta Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya
 

Arbaco, January, 10, 2024 (HOL) - Ururka mucaaradka Oromada ee dalka Itoobiya (OLF), ayaa walaac xooggan ka muujiyay xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya, kaddib markii ay dowladda Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen heshiis is-afgarad ah.

"Waxaan ku baaqaynaa xasillooni iyo isfaham dhinacyada oo dhan ah, anagoo ku boorinayna ixtiraamka qaxootiga iyo muwaadiniinta rayidka ah ee labada dhinac inta lagu jiro waqtiyadan dareenka leh," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xafiiska Xidhiidhka Dibadda ee xisbiga.

Ururka Oromada ayaa sheegay dhacdooyinka u dhexeeya labada dawladood inay dhaawac u gaysteen qaxootiga Oromada iyo dadka rayidka ah ee ku kula sugan labada dal.

Hadalkan ayaa daba socday baaqyo iyo kacdoono isa soo tarayay oo baraha bulshada lagu faafiyay oo ahaa in muwaadiniinta Itoobiya, gaar ahaan Oromada laga saaro Soomaaliya.

Xisbigu wuxuu ku booriyay beesha caalamka, iyo dhammaan waddamada deriska ah inay soo farageliyaan ka hor inta aan waxyeello weyni soo gaarin gobolka.

Saxiixa Is-afgaradka oo Itoobiya u ogolaatay inay hesho badda si ay Somaliland u hesho aqoonsi caalami ah, ayaa caro ka dhaliyay guud ahaan Soomaaliya.

06 Janaayo 2024, Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharci burinaya heshiiskaas.