7/3/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 10, 2024
Faahfaahin iska hor imaad ka dhacay degaanka Maraaga ee magaalada Laascaanood
 

Arbaco, January, 10, 2024 (HOL) - Khasaare dhaawacyo ah ayaa ka dhashay iska hor imaad  saakay ciidamo maleyshiyo oo kasoo jeeda Puntland ku dhexmaray degaanka Maraaga oo katirsan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Iska hor imaadkaan ayaa wuxuu ka dambeeyay muran dhexmaray labo ciidan beeleed, kuwaas oo isku haystay in muddo ah gaari uu saaran ahay qoriga loo yaqaano suugga oo kamid ah hubkii ciidamada Somaliland looga furtay dagaaladii looga saaray Sool.

Mid kamid ah ciidamada maleyshiyaadka ah ayaa doonayay inay gaarigaan usoo qaataan dhinaca magaalada Garowe, hase ahaatee ciidamo kale oo maleyshiyaad ah ayaa ku sameeyay is-hor istaag, taasoo keentay inay labada ciidan ay isku dhacan, uuna ka dhasho khasaare dhaawacyo ah.

Maamulka SSC Khaatumo iyo waxgaradka deegaanka ayaa ku guulaystay inay kala dhex galaan labada ciidan, iyadoo haatan lagu howlan yahay sidii xal nabadeed looga gaari lahaa shaqaaqada dhacday.

Dagaaladii ciidamada Somaliland looga saaray gobolka Sool, ayaa keentay in hub badan uu gacanta u galo naleyshiyo beeleedyadii halkaas ka dagaalamay.