8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 4 , 2024
Ciidamada amniga Puntland oo Bosaso kusoo bandhigay hub iyo shakabad gacan saar laleh kooxaha Shabaab iyo Daacish

Axad, Agoosto, 4, 2024 (HOL) - Ciidamada PMPF ee Puntland oo kaashanayay Hay’adda Sirdoonka Puntland ee PISA ayaa gacanta ku dhigay shakhsiyaad ay sheegeen in ay ka tirsan yihiin shabakado gacan saar la leh argigixisada, kuwaas oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.

War-saxaafadeed kasoo baxay taliska PMPF, ayaa lagu sheegay in ciidanku ay gacanta kusoo dhigeen hub iyo walxaha qarxa, kuwaas oo kala ah, Budada laga Sameeyo qaraxyada, Miinooyin, Bambooyinka gacanta, Hoobiyayaal iyo agabyo kale.

Faahfaahin intaas ka badan lagama bixin eedeysanayaasha iyo hubkaan lasoo bandhigay, balse waa markii saddexaad oo muddo saddex bilood gudaheed ah magaalada Boosaso lagusoo bandhigo hub, waxyaabaha qarxa iyo dadkii watay.

18-kii May ayay ahayd markii ciidamada PMPF ay sidoo kale soo bandhigeen hub sharci darro ah, gaadiidkii lagu waday iyo 4 eedaysane, kuwaas oo la sheegay  inay si dhuumaalaysi ah kusoo gelinayeen magaalada Boosaaso.

Isla 13kii May, ciidamada PMPF ayaa waxay magaalada Boosaaso kusoo bandhigeen nin eedaysane ah oo la sheegay in lagu qabtay Walxaha Qarxa, kaasi oo la sheegay inuu yahay  argagixisada.

Arrimahan oo idil ayaa kusoo beegmaya, iyadoo hay'adaha sirdoonka Maraykanka ay ka digayaan kororka dagaalamayaasha kooxaha argigixisada sida Daacish, kuwaas oo kusii badanaya deegaanada Puntland gaar ahaan gobolka Bari.

Sidoo kale, Maraykanka ayaa walaac ka muujinaya xiriir dhex mara Xuutiyiinta iyo Shabaab, taasoo sahli karta in kooxda Xuutiyiintu ay si sahlan hubka ugu gudbiyaan kooxaha Daacish iyo Shabaab.