8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 4 , 2024
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo sheegay in la xiray saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray ee xeebta Liido
 

Axad, Agoosto, 4, 2024 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in la qaadday tallaabooyin adag oo lagula xisaabtamayo saraakiishii shaqada ku lahayd goobaha la weeraray, qaarkoodna ay xiran yihiin.

Hadalkaan ayuu raysal wasaaruhu ka sheegay, kaddib markii uu xalay ku booqday isbitaalka Erdogan qaar kamid ah shacabkii ku dhaawacmay weerarkii Shabaabku ka geysteen Xeebta Liido,

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in markii Alshabaab lagu jabiyey goobaha dagaalka in ay beegsasdeen dhallinyaro si nabad  ugu caweynayey dalkooda.

Xamse ayaa uga tacsiyeeyey ehellada iyo asxaabta dadkii ku dhintay weerarka, isaga oo ugu duceeyey in Ilaahay naxariista Janno ka waraabiyo, kuwa dhaawacmayna u boogo dhayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay sii xoojiyaan garab istaaggooda ay u fidinayaan ciidamada iyo hey’adaha ammaanka, si loo ciribtiro Alshabaab.

Intii uu booqashadiisa ku guda jiray, Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay ciidamada ammaanka doorkii ay ka qaateen badbaadinta iyo caawinta shacabka ay wax yeelladu soo gaartay.