8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 4 , 2024
Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca weerarkii Xeebta Liido oo korortay
 

Axad, Agoosto, 4, 2024 (HOL) - Wasaarada Caafimaadka dowladda Fedaraalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Xasan ayaa sheegay inuu kordhay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay weerarkii kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday xeebta Liid ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cali Xaaji Xasan oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in tirada dadka ku dhintay weerarkii Liido ay gaartay 37 ruux oo shacab ah, halka dhaawacuna uu gaaray 247 ruux.

“Tirada dhimashada iyo dhaawaca way kordheen 37 ayay mareysa dhimashada, 11 ruux ayaa xaaladoodu daran tahay oo ku jira qeybta gurmadka deg dega ah (ICU) waxaana guryahooda loo diray oo daaweyn loo sameeyey 137 ruux Isbitaalada hada waxaa jiifa 64 ruux” ayuu yiri Wasiir Cali Xaaji.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in Wasaaradiisa ay wado qorshe ku aadan sidii Caafimaad dalka dibaddiisa ah loogu diri lahaa dadka qaba dhaawacyada daran ee aan waxba looga qaban karin gudaha dalka.

Weerarkii ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho ayaa noqday kii ugu murugada badnaa ee sanadkaan gudahiisa ka dhaca gudaha dalka, kaasoo lagu dilay dad u badna dhalinyaro oo dhamaantood shacab ahaa, waxaana masuliyada weerarkaas sheegtay kooxda Al-shabaab.