8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 4 , 2024
Somaliland: Xisbiga Waddani iyo Ururka Kaah oo heshiis is kaashi kala saxeexday
 

Axad, Agoosto, 4, 2024 (HOL) - Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani iyo Ururka Kaah ee Somaliland ayaa saaka magaalada Hargaysa ku kala saxeexday heshiis rasmi ah oo iskaashi.

Dhinacyada ayaa ku heshiiyay in  taageerayaasha Kaah u codeeyaan musharraxiinta Waddani ee madaxtooyada isla markaana, Kaah saami laga siiyo xukuumadda Cabdiraxmaan Cirro, soo dhisayo haddii uu guullaysto.

Waxa kale oo ay ku heshiiyeen in dastuurka dib loo furo, isla markaana dib u eegis lagu sameeyo nidaamka saami qaybsiga kuraasta Somaliland, si dadka reer Awdal matalaad dheeraad ah loo siiyo.

Waxa ay dhinacyadu isla qaateen in ay lama taabtaantahay midnimada dhuleed ee Somaliland, gobolka iyo shacabka reer Sool na ay muhiim u yihiin dhismaha Somaliland, sidaa darteedna xaalada gobolka si nabad ah lagu xalin doono hadii ay doorashada ku guulaystaan.

Xisbiga Waddani ayaa baryahandanbe waday dardar iyo awood taageero oo abaabul badani ka muuqdo, taasi uu xisbigu rabo in uu ku fuulo kursiga madaxtooyada Somaliland.