8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 4 , 2024
Maxkamadda gobolka Banaadir oo maanta xabsi 6 bilood ah ku xukuntay gabadho Tiktokers ah
 

Axad, Agoosto, 4, 2024 (HOL) - Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah waxay xukun ku ridday 7 dhallinyaro ah oo Tiktoore ah, kuwaasi oo midkiiba lagu xukumay 6 bilood oo xarig ah.

Dacwad dhameysatay heerarkeedii ayaa eedeysanayaasha oo ka koobnaa sagaal hablood, waxaa 7 ka mid ah lagu xukumay min lix bilood oo xabsi ah, halka labo qabdhood ay maxkamaddu dib ugu celisay xorriyadooda.

Xukumanaayasha ayaa lagu helay dambi ku saabsan, kicin dadweyne, hurinta dagaal sokeeye iyo faafinta dhaqamada anshax xumada ah.

Dadka xukunka lagu riday oo ah gabdho caan ka ah baraha bulshada ayaa kala ah; Sihaam tahliil, Nashaad nalka, Sacdiyo galmudug, Iftin model, Anjal iyo Farxiyo Zoona.

Dowladda Soomaaliya ayaa isku dayday sanadkii hore in ay mamnuucdo isticmaalka barta TikTok. Mamnuuciddiisa ayaa waxaa ka dhalatay cabasho ka timid dhalinyarada kuwaas oo ku tiirsan dakhli ay ka helaan Tiktok.