8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 4 , 2024
Howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab oo ka socda gobolka Jubbada Hoose
 

Axad, Agoosto, 4, 2024 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Daraawiishta maamulka Jubbaland ayaa howlgalo ka dhan ah kooxda Al-shabaab ka wada deegaano ka tirsan Jubbada Hoose.

Howlgalada ayaa si gaar ah ciidamadu uga wadaan tuulooyin hoostaga deegaanka Buulo Xaaji oo dhawaan laga saaray Ururka Al-shabaab oo mudo dheer gacanta ku haaysay deegaankaas.

Howlgalka ciidamadaan iskaashanaya maanta ka wadaan nawaaxiga deegaanka Buulo Xaaji ayaa la xariira xaqiijinta amniga deegaankaas iyo xog kale oo sheegeysa in ciidamadu ay ka war heleen abaabul kooxdu ku qorsheyneysay iney weerar kusoo qaado markale Buulo Xaaji.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre uu booqasho ku tagay deegaanka Buulo Xaaji, waxaana booqashadaas uu ku dhiiragalinaayay Raysal wasaaraha howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab oo ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ka wadaan deegaanada maamulkaas.