8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 4 , 2024
Qaramada Midoobay oo si adag u cambaaraysay weerarkii dadka badan lagu dilay ee Liido Beach
 

Axad, Agoosto, 4, 2024 (HOL) - Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaasoo galaaftay nolosha dad gaaraya 32 qof oo u badan dad rayid ah.

"Xeebta Liido waa meel ay Soomaalidu waqti kula qaataan qoysaskooda iyo asxaabtooda, kuna raaxaystaan bilicda xeebta Soomaaliya. In la beegsado goobtan waa fal laga naxo oo mudan in si adag loo cambaareeyo," James Swan, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Soomaaliya, ayaa  ku yiri war-saxaafadeed.

Ergayga Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay garab taagan yihiin dowladda Federaalka Soomaaliya dadaalkeeda ku aaddan xaqiijinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida dalka.

Weerarkii habeenkii Jimcaha dhacay ayaa ahaa midkii ugu khasaaraha badnaa ee dalka ka dhaca tan iyo qaraxii Soobe labo ee bishii Oktoobar 2022, kaasoo ay ku dhinteen   in ka badan 120 qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 300 oo qof.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, oo dhacay habeennimadii Jimcaha, waxaana uu ahaa weerar ismiidaamin ah, kadibna waxaa xigay dagaal dhexmaray Alshabaab iyo ciidamada ammaanka.