8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 3 , 2024
Somaliland oo cambaaraysay weerarkii xalay lala eegtay Xeebta Liido
 

Sabti, Agoosto, 3, 2024 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa cambaaraysay weerarkii dadka badani ku dhinteen ee xalay lagu qaaday dhallinyaro ku cawaynaysay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Qoraal iskugu jiray tacsi iyo cambaarayn oo kasoo baxay Wasaarada Arrimaha Dibbada, ayaa lagu sheegay in xukuumada Somaliland ay ka xumaatay weerarka lagu laayay dadka ka badan 30 ka qof oo ay masuuliyadiisa sheegatay kooxda Al Shabaab.

"Waxa aad noo murugo galiyay, oo aanu ka naxnay weerarkii arxanka darnaa ee argagixiso ee lala beegsaday Xeebta Liido, kaasi oo galaaftay nafo badan oo ah shacab aan waxba galabsan, kuwaasi oo u badna dhallinyaro" ayaa lagu yidhi qoraalka wasaarada.

Xukuumada Somaliland ayaa u tacsiyaysay qoysaska iyo qaraabada dadkii ku geeriyooday weerarka "Waxaanu la dareenahay dhammaan qoysaska shacabka ah ee ay dhibaatadu ku dhacday wakhtigan adag" ayaa lagu yidhi qoraalka.

Kooxda Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan oo ay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof isla markaana ay ku dhaaacween dad ka badan 60 qof. Weerarkan ayaa ah kii ugu khasaaraha badnaa dhawaanahan ka dhaca magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa dhacay habeenimadii Jimcihii xili ay dad badani ku cawaynayeen Xeebta Liido oo ay habeenada fasaxa u caways yimaadaan.