8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 3 , 2024
Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac dad shacab ah oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe
 

Sabti, Agoosto, 3, 2024 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo saakay oo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad shacab ah oo safar ahaa aya ka dhacay inta u dhaxeysa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa haleelay gaari noociisu Soomaalida u taqaano probex oo ay saarnayeen dad shacab ah oo gaaraya 11 ruux oo isugu jiray rag iyo dumar oo kusii jeeday magaalada Muqdisho, kaasoo qarax ku qabsaday agagaarka deegaanka Golaley.

Wararka hordhaca ah ee laga helayo khasaraha ka dhashay qaraxaasi miino ee haleelay gaariga shacabka ah ayaa sheegaya in ilaa 5 ruux oo isugu jira rag iyo dumar ku geeriyoodeen qaraxa, islamarkaan lixda ruux ee kale dhamaantood uu soo gaaray dhaawacyo kala duwan.

Qaraxyada noocaan oo kale ah ayaa waxaa wadooyinka ku diyaariya kooxda Al-shabaab, hayeeshee maysan sheegan masuuliyada qaraxaan miino ee dhimashada iyo dhaawaca ku noqdeen dadka safarka ahaa.

Ugu dambeyntii qaraxaan miino ayaa kusoo beegmaya, iyadoo wali dadka Soomaaliyeed la murugsan yihiin weerarkii xalay ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen 32 ruux oo shacab ahaa, islamarkaana ku dhaawacmeen 63 ruux oo kale sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.