8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 3 , 2024
Orodyahan Soomaali Canadian ah oo kaalinta 4aad ka galay tartanka orodada ee Paris
 

Sabti, Agoosto, 3, 2024 (HOL) - Orodyahanka reer Canada Moh Ahmed, oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya ayaa ku dhameystay kaalinta afaraad tartanka  Olombikada ee ka socda  Paris.

Axmed ayaa ku orday 26:43.79, isagoo wax ka yar ilbidhiqsi ka hoos maray orodyahanka bilada dahabka ah ee Joshua Cheptegei oo u dhashay Uganda, kaas oo dhigay rikoorka Olombikada 26:43.14.

Iyadoo 300 mitir ay ka harsan tahay, ayuu Axmed bilaabay orodkiisii ugu dambeeyay, si uu u helo bilad uu si dirqi ah ku seegay seddex sano ka hor tartankii Tokyo. Inkasta oo uu dedaal badan sameeyay, haddana waxa uu ka tallaabay xariiqda ka dambaysa isagoo ka dambeeyay Berihu Aregawi oo u dhashay Ethiopia iyo Grant Fisher oo u dhashay dalka Maraykanka, kuwaas oo ku kala guulaystay Qalin iyo Maar.

Orodyahanka Somali-Candian ayaa noqday kii abid ugu wacnaa ee uu abid nin Canadian ah ka gaaro orodka 10,000m ee Olimbikada, isagoo ka soo fiicnaaday rikoorkiisii kaalinta lixaad ee tartankii Tokyo.

Axmed oo 33 jir ah waxa uu ku dhashay Soomaaliya kuna koray St. Catharines, Ontario. Waxa uu tababar la qaataa naadiga Bowerman Track Club ee dalka Mareykanka.

Waxa uu Olombikada soo galay kaalinta shanaad ee caalamka, isagoo ka soo gudbay dhaawacyo muruqa ah horaantii sanadkan si uu ugu soo baxo.

Taageerayaasha Canada iyo Soomaaliya ayaa si weyn u sugaya bandhiga xiga ee Axmed ee tartanka 5000m.