8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 3 , 2024
Madaxweyne Xasan Sheikh oo kulan degdeg ah la qaatay hay'adaha Amniga kaddib weerarkii dhimashada badan dhaliyay ee xeebta Liido
 

Sabti, Agoosto, 3, 2024 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra'iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa guddoomiyey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen laamaha Amniga dalka, kaasi oo hay’adaha ammaanka looga dhageystay warbixin ku saabsan weerarkii Shabaabku ku qaadday xeebta Liido, qasaaraha ka dhashay iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hay’adaha ammaanka hor dhigay sida uu ku dhacay weerarkaasi, qaabka looga gaashaamankaro dhagarta Alshabaab, iyo habka loogu gurmaday shacabka ay dhibaatadu soo gaartay.

Madaxweynnuhu wuxuu tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo ehellada ay ka shahiideen shuhadadii ku baxay weerarkii ka dhacay Xeebta Liido, isla markaana caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadkii ku dhaawacmay.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay dhameystirka guusha dagaalka ka dhanka ah Shabaaab in ay ku xiran tahay taageerada iyo wadashaqeynta shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay u midoobaan sidii dalka looga cirib tiri lahaa wuxuu ugu yeeray Khawaarijta.

“Shacabka Soomaaliyeedow walaalayaal argagaxisada Khawaarijta ah ma kala jecla shacab iyo dowlad, dhammaanteenna waxaan agtooda ka nahay cadaw ay baneysteen dhiigooda. U midooba ciribtirkooda, garab u noqda ciidamada Qaranka oo soo sheega kuwa dhexdiinna ku dhuumanaya,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa xusay in Shabaabku doonayaan in weerarada nuucaan oo kale ah ay ku argagax galiyaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ku qarinayaan jabka  furimaha dagaalka, waxa uuna faray laamaha amniga dalka in ay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan weerarada lagu waxyeelaynayo shacabka Soomaaliyeed.