8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 3 , 2024
Ciidamada dowladda oo soo afjaray weerarkii Alshabaab ay ka geysatay xeebta Liido
 

Sabti, Agoosto, 3, 2024 (HOL) - Ciidamada dowladda ayaa xalay saqdii dhexe ku guulaystay inay soo afjaraan  weerar ay koox katirsan Alshabaab ku qaadeen maqaayada lagu caweeyo ee Beach View ee kutaala xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

5 dagaalame oo mid kamid ah uu isku qarxiyay goobta ay shacabka ku caweynayeen, ayaa muddo saaacado ah ka dhex dagaalamayay gudaha Beach View, waxaana weerarka ay geysteen ku geeriyooday ku dhawaad 20 qof iyo dhaawaca in ka badan 100 qof.

Ciidamada ayaa sidoo kale fashiliyey gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo ay Shabaabku usoo diyaarsadeen si ay Shacabka ugu gumaadaan sida ay dowladdu sheegtay.

Goobjooge lagu magacaabo Maxamuud Macallin ayaa u sheegay AP in uu arkay nin weerarka soo qaaday oo xiran jaakadaha qarxa daqiiqado ka hor inta uusan ninku isku qarxin agagaarka Hotelka Beach View.

Isbitaalada magaalada ayaa weli codsanaya in dhiig loogu deeqo, maaddaama ay aad u badan yihiin dadka dhaawaca ah. Dad walaac badan ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee Isbitaalka Digfeer (Erdogan Hospital) ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo uu qof cod baahiye ah ku akhrinayo magacyada dadka dhaawaca ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan sida laga soo xigtay idaacaddooda. Si kastaba ha ahaatee ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya.