8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 3 , 2024
Booliiska Soomaaliya oo ka hadlay khasaaraha ka dhashay weerarkii Xeebta Liido
 

Sabti, Agoosto, 3, 2024 (HOL) - Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan oo goordhaw shir jaraa'id ugu qabtay warbaahinta gudaha magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weerarkii Xalay kooxda Al-shabaab ku qaaday xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis.

Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in weerarka uu ahaa mid ku bilawday Qarax Ismiidaamin oo uu fuliyay ruux isku soo xiray waxyaabaha qaraxa oo beegsaday dad shacab ah oo ku sugnaa dhulka banaan ee xeebta Liido ah, islamarkaana qaraxa kadib rag hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha maqaayada iyo hotelka Beach View.

Afhayeenka Booliiska Soomaalya ayaa sheegay in weerarkii xalay ka dhacay xeebta Liido ay ku dhinteen dad gaaraya 32 qof oo shacab ahaa, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 63 qof oo qaarkood qaba dhaawacyo culus.

“Qaraxa Liido ka dhacay waxaa ugu yaraan ku geeriyooday 32 qof waxaana ku dhaawacmay Dad gaaraya ilaa 63 ruux oo Shacab ah, Gaari walxaha qarxa waday oo Ciidanku fashiliyeen waxaa lagu qabtay Khawaarijkii waday isaga oo dhaawac ah” ayuu yiri Afhayeenka Booliiska Soomaaliyeed Cabdifataax Aadan.

Wuxuu sidoo kale tilmaaamay Afhayeenka in ciidamada ay fashiliyeen kana hortageen gaari waxyaabaha qarxa kasoo buuxiyeen Al-shabaab oo ay doonayeen iney ku laayaan dadka kaso badbaada weerarka hore, waxuuna xusay in ciidamadu qabteen ninkii gaarigaas waday isaga oo dhaawac ah.

Ug dambeyntii inta badan dadka shacabka ah ee Xalay ku dhintay weerarkii Liido oo u badan dad dhalinyaro ah ayaa baraha Bulshada waxaa lasoo dhigayaa Sawirada iyo maclumaadkoda, waxaana dadkaas ka mid ah lamaanayaal is qabay iyo dad walaalo ah sida lagu baahinayo baraha bulshada oo tacsidu qabsatay.