8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Aug 3 , 2024
Madaxda dowladda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo madaxdii hore oo ka hadlay weerarkii Xeebta Liido
 

Sabti, Agoosto, 3, 2024 (HOL) - Madaxda sare ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre iyo guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur, Madoobe ayaa si adag u wada cambaareeyay weerarkii Xalay kooxda Al-shabaab ka geysatay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray dhamaan qoysaska iyo ehelada ay ka baxeen dadkii shacabka ahaa ee Xalay lagu dlay weerarkii ka dhacay Xeebta Liido, isagoona caafimaad deg deg ah u rajeeyey kuwa ku dhaawacmay weerarkaas.

Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ka hadlay weerarkaas ayaa dhankiisa ku tilmaamay inuu ahaa weerar fulaynimo oo ka baxsan diinta iyo dhaqanka suuban oo lagu dabargoynayo jiritaanka umadda Soomaaliyeed.

"Falkii bahalnimo ee ka dhacay xeebta Liido waxa uu muujinayaa hadafka cadawga Khawaarijta in uu yahay xasuuqa, dabar-goynta iyo daadinta dhiigga dadkeenna qiimaha badan ee Soomaaliyeed." Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa cambaareeyay weerarkii  xalay ku qaaday kooxda Al-shabaab shacab  badna dhalinyaro ku fiidsaneysay xeebta Liido ee Magaaladda Muqdisho, isagoo weerarkaas ku macneeyay heerka ay gaarsiisan tahay cadowtinimada kooxda.

“Waxaan xanuunka iyo murugada la qeybsanayaa ehelada, qoysaska iyo asxaabta dadkii ay waxyeelada soo gaartay, dhamaan dadkii halkaasi ku geeriyooday waxaan alle SWT uga baryayaa inuu naxariistiisa jano ka waraabiyo kuwii ku dhaawacmayna bogsiimo deg deg ah siiyo" ayuu yiri guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe.

Madaxweynayaashii hore ee dalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Sharif Sheekh Axmed ayaa dhankooda si adag u cambaareeyay weerarkii xalay ka dhacay Xeebta leedo ee magaalada Muqdisho, iyagoona weerarkaas ku sheegay mid ka baxsan diinta iyo dhaqanka Umadda Soomaaliyeed, waxay ku baaqeen in loo midoobo la dagaalanka Al-shabaab.

Waxaa sido kale ka hadlay weerarkii Xalay qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada iyo Masuuliyiin horay xilal kala duwan dalka uga soo qabtay, kuwaas oo u tacsiyeeyay ehelka dadkii ku dhintay weerarkii qaraxa ku bilowday ee xalay dadka badan lagu dilay.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen Raysal wasaare hore Xasan Cali Kheyre, Agaasimahii hore ee NISA Mahad Salaad iyo masuuliyiin kale oo badan ayaa ka mid ah dadka sida kulul uga hadlay weerarkii liido oo dowladdu xaqiijisay iney ku dhinteen 32 ruux oo shacab ah iyo dhaawaca 63 ruux, islamarkaana toogasho lagu dlay xubnahii Shabaab ee weerarkaas fuliyay oo ahaa 5 ruux.