8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2024
Somaliland oo Guddi Heer Sare u Xilsaartey Dadaallada Aqoonsi Raadinta

 

Khamiis, Agoosto, 1, 2024 (HOL) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday dhismaha guddiga heer wasiirro ah oo loo xilsaaray hawlaha aqoonsi raadinta.

Qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, oo uu la socdo sawirka madaxda Itoobiya iyo Somaliland oo saxeexaya heshiiskii isfahan ee badda, ayaa lagu shaaciyay in guddi heer wasiirro ah loo magacaabay aqoonsi raadinta.

"Somaliland waxay maanta tallaabo weyn u qaaday dhanka aqoonsiga caalamiga ah. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa dhistay guddi heer wasiirro ah oo ka shaqayn doona aqoonsi raadinta, si loo qaabeeyo loona hirgeliyo dadaallada lagu raadinayo aqoonsi," ayaa lagu yidhi qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland, Dr. Ciise Kayd Maxamuud, ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo la sheegay in uu ka shaqaynayo soo gabagabaynta isfahanka badda.

Wasiir Kayd ayaa hore u sheegay in marka la gaadho gabagabada heshiiska la samayn doono guddi wasiirro ah, oo ka shaqayn doona dhamaystirka isfahanka si loogu badalo heshiis rasmi ah.

Somaliland oo muddo 33 sanno ah raadinaysay aqoonsi caalami ah ayaa u muuqata in ay labanlaabayso dadaaladeeda aqoonsi raadinta.