8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2024
Shirkadda Shidaalka Turkiga oo Soomaaliya usoo diraysa Markab sahminaya goobaha loo asteeyay in shidaalka laga baaro
 

Khamiis, Agoosto, 1, 2024 (HOL) - Turkish Petroleum oo ah shirkad ay dowladda Turkiga leedahay ayaa lagu wadaa inay Soomaaliya toddobaadyo gudahood u soo dirto markabkeeda seismic ah, si uu u bilaabo sahaminta saddex baloog oo dhowaan laga siiyay xeebaha Soomaaliya.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah heshiis ballaaran oo dhex maray Ankara iyo Muqdisho, kaas oo qeyb ka ah in ciidamada badda ee Turkiga ay ku bixin doonaan adeegyada difaaca badda iyo tababarrada muddo labo sano ah- si loo xaqiijiyo gelitaanka saddex goobood oo sahaminta badda ah.

Sabtidii, Wasiirka Tamarta ee Turkiga, Alparslan Bayraktar ayaa sheegay in Turkiga markabkiisa seismic Oruc Reis uu u soo diri doono Soomaaliya horraanta bisha Oktoobar, si uu u helo xogta seismic ee 3D ee dhulka saliidda iyo gaaska.

Baloogyadan ayaanan la aqoonsan, balse Bayraktar wuxuu sheegay in mid walba uu ku fadhiyo qiyaastii 5000 oo kiilo mitir oo laba jibbaaran, iyadoo laba ka mid ah ay ku yaallaan meel 50 kiiloomitir ka baxsan xeebta, halka kan kalena uu ku yaallo meel 100-km ka baxsan xeebta ah.

Waxa uu sheegay in gunta hoose ee biyuhu ay gaarayaan ilaa 3000 mitir, isaga oo intaa ku daray in qodista gunta hoose ee ceelasha sahaminta mustaqbalka la filayo in ay noqoto inta u dhaxaysa 3000 ilaa 4000 mitir.

Bayraktar wuxuu sheegay in sahanka 3D uu socon doono muddo bilo ah.

Maraakiibta taageerada oo ay ku jiraan kuwa badda ayaa raaci doona markabka Oruc Reis inta uu ku jiro socdaalka Soomaaliya.