8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2024
La taliyaha amniga qaranka oo hoos u dhigay walaaca laga muujinayo khatarta kooxda Daacish
 

Khamiis, Agoosto, 1, 2024 (HOL) - La taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya, Xuseen Macalin Maxamuud, ayaa meesha ka saaray walaaca weyn ee laga qabo khatarta kooxda Daacish in ay lamid noqon karto midda Alshabaab ay ku hayso Soomaaliya iyo dalalka Geeska Afrika.

La taliyaha amniga Qaranka ayaa sheegay, inkastoo Daacish ay kusoo biirayaan ajaanib badan oo kasoo dagaalamay caalamka, haddana wuxuu sheegay in iyaga iyo Shabaabku ay isku hayaan dhul kooban oo kuyaala dowlad goboleedka Puntland.

“Awood hadda baaxad leh oo la dhihi karo thread-ka Shabaab iyo wax ku dhow ayay soo gaareen ma ahan. Dhulka ay hadda joogaan Juqraafi ahaan, waa dhul u fudud in jihaadiyiinta caalamka ay iskasoo gaaran, laakiin awood muuqata oo macno leh oo laga arki karo malahan,” ayuu yiri la taliyaha amniga Qaranka.

Xuseen Macalin Maxamuud wuxuu sheegay Daacish sida Alshabaab oo kale in aysan lahayn dagaalamayaal badan oo Soomaali ah, waana sababta sida uu sheegay ay ugu sugan yihiin dhul kooban oo ay dhinacyada kaga hareeraysan yihiin ciidamada Puntand iyo kuwa Alshabaab.