8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2024
Iiraan iyo Israa'iil oo hanjabaado culus hawada isku marsiiyay, kadib dilka hoggaamiyahii Xamaas
 

Khamiis, Agoosto, 1, 2024 (HOL) - Hoggaamiyaha ruuxiga ee dalka Iiran Ayatollah Ali Khamenei oo ka hadlay dilkii loogu geystay gudaha magaalada Tehran ee Caasimadda dalka Iran hoggaamiyahii garabka siyaasada dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa wacad ku maray ciqaab adag iyo aargoosi ka dhan ah Isra’iil.

Dilka Ismaaciil Haniyah ayaa ka dhacay guri uu ka degana magaalada Tehran oo uu kaga qeybgalay maalintii Talaadada munaasabad lagu caleema saarayay madaxweynaha cusub ee dalkaas.

Hanjabaada hoggaamiyaha ruuxiga ee dalka Iran ayaa imaaneysa, iyadoo Israa'il aysan wali si rasmi ah u sheegan dilka Ismaciil Haniyeh, hayeshee dowladda Iran iyo Xamas ayaa rumeysan in dilka hoggaamiyahii Xamas ay ka danbeyso dowladda Isra’il.

Wargeyska New York Times oo soo xiganaya saddex sarkaal oo ka tirsan dowladda Iran oo dalbaday inaan la adeegsan magacyadooda ayaa sheegay, in Ayatollah Ali Khamenei uu ciidamada Iran ku amray iney si toos ah u weeraraan Isra’iil.

Dhinaca kale Raysal wasaaraha Isra’il Banjamin Netanyahu ayaa shirjaraa'id oo u qabtay ku sheegay in Israa'iil ay dharbaaxo kulul ku garaacday xulafada Iran oo ay ku jiraan Xamas iyo Xisbullah, inkastoo uusan soo hadal qaadin dilka hoggaamiyahii Xamaas ee garabka Siyaasaada Ismacil Haniyah, wuxuuna ku hanjabay in cid walba oo ka hortimaada Israa'iil iney dili doonaan.

“Israel waxay la dagaalameysaa dhidibka xun ee Iran, dagaalkaas oo ah mid ku xiran jiritaankeeda, Waxaan diyaar u nahay xaalad kasta Israel ma aamusi doonto mar kasta oo ay wajahdo maalmo adag" Ayuu yiri Raysal Wasaare Natanyahu.

Hadaladaan adag ee is dhaafsadeen Iran iyo Israa'iil ee ka dhashay dilka Ismaaciil Haniyah ayaa walaac xoogan kusii kordhinaya xaalada bariga dhexe oo markii horaba aheyd allow sahal, waxaana sii kordhaya cabsida dunida ka qabto dagaal qaraar oo ka qarxa bariga dhexe.