8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2024
Golaha Wasiiradda oo ansixiyay heshiis dowladda la gashay Boqortooyada Sacuudi Carabiya
 

Khamiis, Agoosto, 1, 2024 (HOL) - Kulanka todobaadlaha ee Golaha Wasiiradda Xukuumadda Fedaraal Soomaaliya ayaa looga hadlay maanta arrimo badan oo muhiim ah, waxaana shir guddoomiyey Raysal Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre.

Shirka Khamiis laha ee Golaha Wasiiradda ayaa waxyaabaha looga hadlay waxaa ka mid ahaa warbixino la horkeenay golaha iyo shuruuc ay soo diyaariyeen Wasiiradda.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa kulankooda maanta ku ansixiyey wax ka beddelka sharciga Maareynta Qandaraasyada iyo Heshiis Is afgarad oo ku saabsan Iskaashiga Arrimaha la dagaalanka Musuqmaasuqa oo u dhexeeya hay’adaha kor joogteynta Soomaaliya iyo Sucuudi Carabiya.

Waxaa sidoo kale Golaha wasiirada ansixiyeen Istaraatiijiyadda Qaran ee 2024-2027 ee ka hortagga iyo la dagaallanka fikirka xagjirka ah ee rabashadaha wata oo ay Golaha u soo gudbisay Xarunta Qaran ee Tubsan.

Wasiiradda Gaashaandhiga, Amniga gudaha iyo wasaaradda arrmaha gudaha ayaa kulanka looga dhageystay warbixino la xariira xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan halka uu marayo barnaamijka xasilinta goobaha ay ciidamada xoogga iyo kuwa dadka deegaanka kala wareegeen Al-shabaab iyo howlgalada ka dhanka ah Kooxda.

Kulankaan todobaadlaha ah ee Golaha wasiiradda ayaa kusoo aadaya, iyadoo maalin ka hor Raysal wasaaraha Xukuumadda iyo wafdi uu hoggaaminaayay ay gaareen deegaano ka tirsan Jubbada hoose oo dhawaan laga xureeyay Al-shabaab.