8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2024
Ciidanka Booliiska Puntland oo qabtay eedaysane loo haysto dilka guddoomiye ku xigeenkii maaliyadda Jaamacadda Barifa Afrika
 

Khamiis, Agoosto, 1, 2024 (HOL) - Ciidanka Booliiska Puntland ayaa gacanta ku dhigay eedaysane Maxamed Abshir Muuse oo loo haysto inuu magaalada Boosaaso ku dilay guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda ee Jaamacadda Bariga Afrika Khaalid Cali Khaalid Awmuuse.

Eedeysanaha oo baxsad ah ayaa lagasoo qabtay deegaanka Durduri oo hoos taga magaalada Boosaaso, waxaana qabashadiisa gacan ka geystay odayaasha dhaqanka ee degaankaas.

Eedeysanaha ayaa la horgeyn doonaa maxkamadda.

Eedeysanaha ayaa katirsanaa shaqaalaha xafiiska maaliyadda ee jaamacadda Bariga Afrika ee magaalada Bosaso, ka hor inta aan loo xirin arrimo la xiriira wax isdaba marin dhaqaale.

Waxaa uu ka hoos shaqeynayay marxuumka loo haysto inuu dilay saddex maalmood ka hor.