8/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Aug 1 , 2024
Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay dilka hoggaamiyiihii siayasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniya
 

Khamiis, Agoosto, 1, 2024 (HOL) - Dowladda Soomaaliya cambaareysay dilka Israa’iil u geysatay hogaamiyihii xafiiska siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniya, allaha u naxariistee, dilkaas oo ka dhacay magaalada Tehran ee dalka Iiraan.

Dowladda Soomaaliya waxay falkaas ku tilmaamtay inuu ka soo horjeedo sharciga caalamiga ah ee bani’aadamnimada.

“Soomaaliya waxay ka digaysaa kororka rabshadaha oo keeni kara xadgudubyo dheeraad ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah, taasoo ka dhalin karta isku dhac ballaaran oo hubeysan bariga dhexe” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

“Waxaan ku adkeysaneynaa baahida loo qabo in bulshada caalamku qaaddo mas’uuliyadooda oo ay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah si loo joojiyo weerarka Israa’iil ee Gaza iyo xadgudubyada ay ku hayso sharciga caalamiga ah iyo go’aannada Qaramada Midoobay,” ayay tiri wasaaradda.

Soomaaliya waxay u tacsiyeynaysaa dowladda Falastiin ee walaalaha ah, shacabka Falastiin, iyo qoyskii Dr. Haniya iyo asxaabtiisii, allaha u naxariistee.