7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 18, 2023
Webiga Shabeelle oo laga cabsi qabo inuu fatahaad sameeyo
 

Arbaco, October, 18, 2023 (HOL) - Biyo culus ayaa kusoo dhacay webiga Shabeelle, ka dib markii roobab aad u xooggan ay ka da’een qeybo kamid ah buuralayda sare ee dalka Itoobiya.

Warar aanu ka helnay qof ku sugan magaalada Iiimeey- Galbeed ee gobolka Afdheer, ayaa soo weriyay in heerka biyaha webiga Shabeelle uu gaaray meel sare. Biyuhuna ay dhaafeen qararka webiga.

Waxa uu farriin digniin ah usoo diray dadka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalooyinka uu maro Webiga Shabeelle ee Soomaaliya, kuwaas oo uu sheegay inay halis ugu jiraan fatahaad uu webigu sameyn karo maalmaha soo socda.

“Waxaan rabnaa farriintaan dadka Soomaaliyeed meel kaste oo ay joogaan in ay gaarto. Waa webigii Shabeelle. Weliba farriinta waxay si gaar ah ugu socotaa dadka dul dagan webiga. Dadka degen webiga jiinkiisa ee og inuu saamayn ku yeelan karo, haka taxadarto, hakala baxdo wixii maal ah. Dadka Soomaaliyeed farriinta sida loo gaarsiin karo haloo gaarsiiyo, “ ayuu yiri qof ku sugan magaalada Iimeey.

Muuqaal uu kasoo duubay webiga ayaa muujinaya biyaha webiga oo meel sare gaaray, lagana cabsi qabo inuu fatahaad ka sameeyo magaalooyinka uu maro, sida magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan.

Dhawaan, raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa sheegay qatarta ugu weyn ee duufaanta Elnino in ay ku wajahan tahay dhulka  uu maro webiyada, halkaas oo uu sheegay inay ka dhici karto fatahaad ay webiyada sameeyaan.

Raysal wasaare xamse, wuxuu sheegay dowladdu inay ilgaar ah ku hayndoonto xaaladda webiyada. Sidoo kale wuxuu dadweynaha degen dhulka labada webi ku booriyay inay feejignaan muujiyaan.