7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 18, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo goordhaw gaaray magaalada Baydhabo
 

Arbaco, October, 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhaw oo galabta ah gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si weyn garoonka diyaaradaha Baydhabo ugu soo dhaweeyay madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, goloyaasha kala duwan iyo shacabka Koonfur Galbeed.

Ujeedka safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu galabta ku tagay Baydhabo ayaa la sheegay iney la xariirto bilaabida wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo uu dhawaan Baydhabo uga dhawaaqay madaxweyne Laftagareen.

"Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu joogo Baydhaba booqan doona deegaanno ka tirsan Koonfur-galbeed ayaa xoogga saaraya abaabulka howlgallada dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab oo wajiga labaad laga fulin doono deegaannada Jubbaland iyo Koonfur-galbeed" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale lagu wada in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kala hadlo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo qeybaha kale ee maamulka xal u helida xiisada siyaasadeed ee ka taagan doorashada maamulka Koonfur Galbeed oo walaac xoogan ay ka muujinayaan Siyaasiyiinta Mucaraadka ah ee kasoo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyntii lama shaacin mudada uu qaadan doono safarka uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Galabta ku gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.