7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 18, 2023
Wasiirka Difaaca dalka Kenya oo goordhaw soo gaaray magaalada Muqdisho

Arbaco, October, 18, 2023 (HOL) - Wasiirka Difaaca dalka Kenya Aadan Barre Ducaale iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goordhaw soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Wafdiga Wasiirka Difaaca dowladda Kenya waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya  Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Ujeedka safarka Wasiirka Gaashaandhigga dalka kenya ayaa la sheegay iney la xariirto wadatashiyo ku aaddan iskaashiga iyo dardargalinta howlgalada lagu ciribtirayo kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah dalka Kenya uu la yeelan doono dhigiisa Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca dalka Kenya ayaa sidoo kale lagu wada inuu kulamo kula qaato Muqdisho madaxda ugu sareysa dalka, hayeeshe wali lama shaacin mudada ay joogayaan Muqdisho Wasiir Ducaale iyo wafdigiisa.

Si kastaba ha ahaatee dowladda Kenya ayaa ka mid ah dalalka ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada ku howlgala magaca ATMIS, kuwaas oo si gaara uga howlgala deegaanada maamulka Jubbaland.