7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 18, 2023
Dowladda Soomaaliya: Waxa ay Israa’iil ka samaynayso Gaza waa xad-gudub bareer ah oo kasoo horjeeda sharuucda caalamiga ah
 

Arbaco, October, 18, 2023 (HOL) - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarka argagaxa leh ee lagu qaaday isbitaal kuyaala magaalada Gaza, halkaas oo diyaaradaha Israaliyiintu ay ku dileen boqolaal Falastiiniyiin ah oo u badan haween iyo carruur,

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibbadda ee  Soomaaliya, ayaa lagu sheegay, in ciidanka Israa'iil ee xoogga ku haysta dhulka reer Falastiin ay mas'uul ka yihiin weerarkan.

“Waxa ay Israa’iil ka samaynayso Gaza waxa loo arkaa xad-gudub bareer ah  oo kasoo horjeeda shuruucda caalamiga ah, xeerar iyo qiyamka aadanaha,” ayay tiri dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya waxay ku baaqday faragelin caalami ah oo lagu joojinayo xadgudubyada iyo gumaadka lagu hayo Falastiiniyiinta ku sugan Gaza.

Waxay sheegtay dowladdu in loo baahan yahay in dadka reer Falastiin loo furo waddooyin iyo xuduudo nabdoon si ay gargaar bini'aad-antinimo u helaan dadka ku go’doonsan marinka Gaza.