7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 18, 2023
Ganacsade caan ahaa oo goordhaw lagu dilay magaada Maxaas ee gobolka Hiiraan
 

Arbaco, October, 18, 2023 (HOL) - Wararka ka imaanaya degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw lagu dilay degmada Maxaas nin ganacasade ah oo caan ka ahaa degmadaas.

Allah u naxariistee ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud Cosoble oo loo yaqiinay xidiri, kaasoo ahaa ganacsade si weyn looga yaqiinay degmada Maxaas iyo nawaaxigeeda.

Dilka ganacasadaha ayaa la soo warinaya inuu geystay nin la sheegay iney qaraabo dhow yahiin, kaasoo rasaas ku furay ganacsadaha, markii hore dhaawac ahaan looga qaaday goobta, hayeeshee dhaawacii ugu geeriyooday daqiiqado kadib Isbitaalka degmada Maxaas.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa in ninkaan uu rasaas ku furo ganacsadaha ay qaraabada yihiin, islamarkaana sidoo kale ahaa Nabadoonada degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.