7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 18, 2023
Wasiir Roobow oo soo bandhigay talooyin lagusoo afjari karo Alshabaab
 

Arbaco, October, 18, 2023 (HOL) - Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta dowladda federalka ee Soomaaliya, Mukhtar Roobow Abuu Mansuur ayaa maanta soo bandhigay talooyin lagusoo afjari karo jiritaanka kooxda Shabaab.

Wasiir Mukhtaar Roobow oo ka qeyb galayay daahfurka xarunta Tubsan ee qaabilsan ka hortagga iyo la dagaalanka fikirka xagjirnimada, taasoo ay ka qeyb galeen safiirada beesha caalamka ee Soomaaliya iyo masuuliyiin katirsan xukuumadda, ayaa sheegay in ay jiraan 3 hab oo lagusoo afjari karo Shabaab.

Wasiirku, wuxuu marka koowaad taageeray habka ay dowladdu haatan u wajahday Shabaab, habkaas oo ah in dagaal lagusoo jaro. Wuxuu kaloo sheegay inay jirto hab kale oo loo baahan yahay, oo ah in wada hadal lala galo oo lagu qanciyo inay kasoo laabtaan fekerkan, iyo in culimadu la doodo Shabaab.

“Madaxweynaha markuu yiri, nimankaan waa la dagaalamayaa, dagaalka tooska ah, dagaalka dhinaca dhaqaalaha, iyo kan fekerkaba, xukuumaddu howl weyn bay iska saartay. Waxaa la qabtay shirweyn oo culimada Soomaaliyeed isugu yimaada. Xukun bayna soo saareen, kii baana lagu dhaqmaa,” ayuu yiri Roobow.

Wasiir Roobow wuxuu ugu baaqay dowladda mar walba oo ay dagaalka kula jirto Alshabaab, in ay garab ka dhigato culimada Soomaaliyeed. Wuxuu kaloo soo dhoweeyay in la helo xarun looga hortaggo afkaarta xagjirnimada.