7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 18, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo madaxtooyada dalka ku qaabilay Wasiirka Difaaca dalka Kenya

Arbaco, October, 18, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ku qaabilay Wasiirka Difaaca dowladda kenya Aadan Barre Ducaale oo barqanimadii maanta soo gaaray Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada amniga, xasiloonida guud ee gobolka iyo dardar galinta dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah dalka Kenya.

“Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul staagay dadaallada naf hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan argagixisada deegaannada kooban ay kaga sugan yihiin dalka, caqabadaha amni ee u baahan iskaashiga heer gobol" ayaa  lagu yiri war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga dalka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa dhankiisa tilmaamay sida dowladda Kenya ay uga go’an tahay adkeynta xiriirka iskaashiga labada dowladood iyo taageeradda ku aadan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay dowladda Soomaaliya kaga ciribtireyso guud ahaan dalka.

Dhinaca Wasiir Ducaale ayaa sidoo kale kulan ceyn kaan oo kale ah kula qaaday Muqdisho Raysal wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ay ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay in labada dal ay si wadajir ah isaga kaashadaan ciribtirka kooxda Al-shabaab.

Gabagabadii dowladda Kenya waxay ka mid ah dalalka ay Soomaaliya ka joogaan ciidamada ku howlgala magaca ATMIS, waxayna si gaara uga howlgalaan deegaanada maamulka Jubbaland.