7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 27, 2023
Madaxweyne Deni oo magacaabay guddiga wada- xaajoodka doorashada Puntland
 

Isniin, November, 27, 2023 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa magacaabay Guddiga wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay, inuu qiimeeyay baahida loo qabo in la magacaabo guddiga wada-xaajoodka Arrimaha Doorashooyinka. Iyadoo oo laga duulaayo in ay Puntland ka dhacdo Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha wakiilada, taasi oo ku dhacda hannaanka dimuqraadiyadda ee hal qof iyo hal cod.

Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in magacaabidda guddigan uu kala tashaday, madaxweyne Ku-xigeenkiisa, guddoonka Golaha Wakiillada, iyo xisbiyada siyaasada.

Mucaaradka ayaa horey u diiday in ay wadahadal la galaan Deni, iyagoo sheegay in uu madaxeyne Deni horey u sheegay, in uusan marnaba wadahadal ka galidoonin doorashada uu rabo ee qof iyo cod.

Mucaaradka ayaa laga sugayaa inay jawaab kasoo saaraan guddiga wadahadalka ee madaxweynuhu soo saaray, kuwaas oo ah 7 xubnood oo uu guddoomiye u yahay wasiirka arrimaha gudaha, Cabdi Faarax Siciid Juxa.

Guddigan ayuu madaxweynuhu kasoo xushay golihiisa wasiiradda, waxayna u badan yihiin xubno ku mayal adag qabashada doorashada qof iyo cod.

Dhinacyada ku howlan xallinta khilaafka doorashada ayaa ku cadaadinaya dhinacyada is haya inay isugu yimaadaan wadahadal, si xal nabadeed loogu dhameeyo khilaafka ka taagan arrimaha doorashada.

Waa kuwaan magacyada xubnaha la magacaabay.

1. Cabdi Faarax Siciid Juxa (Guddoomiye)

2. Ibraahim Cartan Xaaji Bakiin (Xubin).

3. Dr. Naciima Cabdiraxmaan (Xubin)..

4. Cabdullahi Maxamed Xassan (Xubin) .

5. Maxamed Cabdiraxman Dhabancad (Xubin).

6. Xassan Yuusuf Majabe (Xubin).

7. Xassan Caballa Xassan Xubin.