7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 27, 2023
Ciidamada Badda Mareykanka oo badbaadiyay markab lagu afduuban lahaa meel ku dhow biyaha Soomaaliya
 

Isniin, November, 27, 2023 (HOL) - Ciidamada badda ee Mareykanka ayaa ka hortagay afduubashada markabka ganacsiga oo koox burcad badeed ah ay ku weerareen gacanka cadmeed ee u dhow Soomaaliya Axadii shalay, sida ay sheegeen saraakiisha difaaca Mareykanka.

Shaqaalaha markabka ayaa axaddii soo saaray baaq ay ku sheegeen in ay weerar kusoo qaadeen burcad badeed, xilli ay marayeen gacanka cadmeed, oo qiyaastii 54 mayl-badeed u jirta xeebaha Soomaaliya, sida uu sheegay Zodiac, oo ah sarkaal katirsan ciidanka Maraykanka.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ka digay in wax badan aan laga ogeyn dhacdada weerarka, iyagoo ku tuhmaya in Iran ay ku lug leedahay, ama uu xiriir la leeyahay xiisadaha gobolka oo sii xoogeystay tan iyo weerarkii Xamaas ee 7-dii Oct.

Saraakiisha ayaa sheegay in aysan caddayn in kooxda weerarka geysatay ay ahaayeen kooxdii isku dayday in ay markab horay u qabsato ee Xuutiyiinta Yemen.