7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 27, 2023
Barakacii ugu balaarnaa oo ka socda xaafadaha degmada Buulaburte
Xuquuqda Sawirada Sakariye Cali Raage

Isniin, November, 27, 2023 (HOL) - Wabiga Shabeelle ayaa saacadahii lasoo dhaafay si weyn ugu fatahay xaafado horleh oo ku yaala degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan.

Xaafadaha Bag Abeeso hantiwadaag iyo Buulabari ayaa ka mid ah xaafadaha uu saacadahii lasoo dhaafay sida weyn ugu fatahay, halka xaafada Indhaceel ay aheyd xaafadii ugu horeysay ee biyaha looga barakacay.

Kumanaan qoys oo markii horaba la daalaan dhacaayay la dagaalanka nolol maalmeedka ayaa isaga barakacay guryahooda, kuwaas oo u barakacay dhulka taaga ah ee ku yaala duleedka magaaladaas.

Degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan biyaha fatahaada sidaan oo kale uma barakicin jirin inta badan xaafadaha degmadaas, hayeeshee sanadkan biyaha wabiga Shabeelle uu wado ayaa noqday kuwii ugu badna inta la ogyahay.

Buundada degmadaas oo biyahu ay u gaareen kala bar ayaa laga cabsi qaba iney dunto, maadaama ay buundadu horey u aheyd mid dhaawac xoogan uu ka soo gaaray qarax Al-shabaab la beegsatay sanadkii lasoo dhaafay.