7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 27, 2023
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Muqdisho ka daah furay shirka Hiigsiga Soomaaliya ee 2060-ka
 

Isniin, November, 27, 2023 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta magaalada Muqdisho ka daahfuray shirka hanaanka diyaarinta hiigsiga Soomaaliya 2060-ka oo saldhig u ah horumarinta nolasha, xoreynta iyo xasilinta, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo dowladnimada dalka.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabiyeen Golaha dhaqaalaha Qaranka ayaa la sheegay inuu socon doono mudo laba maalmood ah, waxaana ka qeybgalay masuuliyiin ka socota dowladda Federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo xubno ka tirsan saaxiibada beesha caalamka ee sida gaarka ah u taageera dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey furitanka munaasabada  ayaa sharaxay caqabadaha soo laalaabtay ee dib dhigay nolasha dadka Soomaaliyeed oo ay ugu horreyaan colaadaha, amni darrada, abaaraha iyo fatahaadaha isdaba jooga, isagoona xusay iney muhiim tahay hiigsigan oo isku xiraya jiilasha maanta iyo kuwa mustaqbalka soo socda.

"Maanta, waxaan bilaabaynaa safar cusub, safar u horseedaya dalkeenna barwaaqo iyo horumar. Hiigsiga Qarn ee 2060-ka waxa uu muujinayaa sida ay nooga go’an tahay in aan ka gudubno caqabadaha hadda jira, annagoo aasaas adag u abuurayna  jiilasha soo socda" ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaweynaha Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed, madaxda kale ee dalka iney ka shaqeeyaan danta guud si Soomaaliya uga hormarto meesha ay haatan taagan tahay.

“Waxaan farayaa golaha dhaqaalaha qaranka inuu noqdo horumarinta hiigsiga qarniga iyo inay si dhow ula shaqeeyaan dhammaan dhinacyada ay khusayso sida Wasiirada, hay’adaha dawladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dawladdaha xubnaha ka ah federaalka, ururada bulshada rayidka ah, ururada ganacsiga gaarka ah, iyo saxiibadeena calamiga ah" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Gabagabadii madaxtooyada Soomaaliya ayaa shaacisay qodobada ugu muhiimsan oo ay Soomaaliya hiigsaneyso 2060-ka oo kala ah sadax qeybood.

"Hiigsiga 2060-ka ayaa ka kooban saddex qeybood oo kala ah;  1.Yoolalka dhow (2023-2025): waxuuna yoolkan ku saleysan yahay xasilloonida, dabargoynta argagixisada iyo xal u helista arrimaha banu aadannimo. 2. Yoolalka Muddada Dhexe (2025-2040): Dhismaha awoodaha hay’adaha, dib u habaynta qaab-dhismeedka dowladda iyo xaqiijinta maamul muaamul wanaagga. 3. Yoolalka Muddada Fog (2035-2060) oo xoogga saaraya horumarinta dhaqaalaha, kor u qaadidda heerka nolosha iyo isku-duubnida bulshada" ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliya.

Ugu dambeyntii labada maalmood uu socon doono shirkaan hanaanka diyaarinta hiigsiga qarni jirka Soomaaliya ee 2060-ka ayaa dhinacyada ka qeybgalaya waxay ka doodi doonaan sida lagu gaari karo 2060-ka Soomaaliya oo dhaqaalo ahaan isku fillan.