7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 27, 2023
Guddoomiyaha ONLF oo sheegay inaysan wiiqaynin halganka ONLF xubno ka baxa ama dhibaateeya ururka
 

Isniin, November, 27, 2023 (HOL) - Guddoomiyaha ONLF Cabdiraxman Sheekh Mahdi Maadey oo waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay Warbaahinta ayaa ka hadlay xaaladda ururka gaar ahaan khilaafka ka dhex jira gudaha ururka ONLF.

Guddoomiye Maadey waxa uu ugu horreyn ka hadlay heshiiskii iyaga iyo Itoobiya dhexmaray oo uu sheegay in qodobadii lagu heshiiyay ay Itoobiya ka hirgalisay kaliya xabad joojinta, balse qodobadii kale oo ay kamid ahayd dib u dejinta ciidanka aysan waxba ka hirgalin, waa siduu hadalka u dhigay Guddoomiyuhu.

Dhanka kale waxa uu ka hadlay Guddoomiyuhu khilaafka mudada dheer ka dhex jira gudaha ururkiisa, isagoo sheegay in ururku uusan waxba u noqonayn xubno ka baxa ururka oo samaystay guddoomiye kale " Intii halganku socday kolba qolo ayaa go'aysay oo ururka ka baxaysay, waa un qayb halganka kamid ah markaa halgamayaasha in isbaddelku ku dhaco waa un wax dabiici ah, qofku ikhtiyaarkii ayuu ururka ugu jiraa" ayuu yiri Guddoomiye Maadey.

Guddoomiyuhu isagoo hadalkiisa siiwata waxa uu sheegay inuu ka xun yahay xubnaha ka baxay ururka, balse waxa uu ku celceliyay inuusan halganku u jabayn taas, waxa uuna yiri Guddoomiyuhu " Midnimada waan jecelnahay walaalaheen naga tagay waanu jecelnahay oo waanu soo wada halganay laakiin way naga leexdeen, balse geediga halganku wuu soconayaa ONLFna shaqsi ka tagay iyo qof dhibaateeyay waxba uma noqonayso".

Guddoomiye Maadey muusan soo hadal qaadin inta uu socday waraysigu xalka ilaa iyo hadda laga gaarey khilaafka iyo kala qaybsanaanta ka dhex jirta gudaha ONLF, inkastoo arrintaas waraysiga dhexdiisa wax laga waydiiyay haddana muusan ka jawaabin taas Guddoomiyuhu.

Horey Masuuliyiin ka tirsan ONLF ayaa Guddoomiye Maadey ku eedeeyay inuu qayb ka yahay khilaafka ka dhex jira ONLF, isla markaana uusan diyaar u ahayn in la isu keeno ururkii oo la mideeyo, waa siday hadalka u dhigeen qaar kamid ah xubnaha ururka ONLF.

Ururka ONLF ayaa muddo dheer waxa ka dhex jira khilaaf sababay markii dambe in ururkii uu u kala qaybsamo labo dhinac, oo si siman xafiisyo ugu kala leh gudaha degaanka Soomaalida, walina wax xal ah oo laga gaarey ma jirto khilaafkaas, inkastoo marar kala duwan la isku dayay in xal la helo haddana arrinkaas khilaafku iyo kala qaybsanaantu wali waa mid jirta.