7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 27, 2023
Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo Kudlad cusub uga dhawaaqay Muqdisho
 

Isniin, November, 27, 2023 (HOL) - Mudanayaal ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho uga dhawaaqay Kudlad la magac baxday Toosin Qaran.

Xildhibaanadaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa warbaahinta u sheegay in kudlada ay tahay mid u taagan ilaalinta Dastuurka dalka.

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo ka mid ah Xildhibaanada ku bahoobay kudladaan ayaa wariyaasha ka hor akhriyay warsaxaafadeed ay soo saareen Xildhibaanada ku mideysan Kudladaan oo kusoo aaday ku dhawaaqisteeda waqti xasaasi ah.

“Annagoo ah xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Fedaraalka waxaan halkan kaga dhawaaqeynaa magaca Kudlada Toosin Qaran, magacaas oo u taagan ilaalita dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha Shacabka, Ujeedka guud ee Kudlada waa metalaadda shacabka Soomaaliyeed, isla xisaabtanka iyo kor joogteynta hay’adaha dowladda, dajinta iyo ilaalinta shuruucda dalka” ayuu yiri Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar.

Waxaa sidoo kale Xildhibaanada ku mideysan Kudladaan ay sheegeen iney kasoo horjeedaan qodobadii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka iyo in wax ka badal lagu sameeyo Dastuurka dalka.

“Kudladan waxay walaac ka muujineysaa qodobadii kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee aan loo dhammeyn, kuwaas oo qaarkood ah ay ahaayeen kuwa ka hor imaanayo Dastuurka iyo heheshiiyadii ay Soomaali wax ku dhisatay, waxaan soo jeedineynaa in wax ka beddalka dastuurka uusan ahayn wax koox gaar ah ay go’aan ka gaari karaan maadaama uu yahay heshiis siyaasadeed ” ayaa lagu yiro Warsaxafadeedka kasoo baxay Kudlada.

Gabagabadii Kudlada ayaa ugu baaqday Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya in gurmad deg deg ah la gaarto dadka Soomaaliyeed ee ku barakacay daadadka iyo fatahaadaha is bar bar socda ee ku dhuftay qaar ka mid ah gobolada dalka.