7/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 27, 2023
Guddoomiye Ku Xigeenkii Saddexaad ee Xisbiga Kulmiye oo ku biiray SSC Khaatumo
 

Isniin, November, 27, 2023 (HOL) - Guddoomiye Ku Xigeenkii Saddexaad ee Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Jiif Caaqil Xuseen Aadan Cadde ayaa ku biiray SSC Khaatumo.

Guddoomiyaha oo Waraysi magaalada Laascaanood ku siiyay warbaahinta SOMNEWS TV ayaa sheegay in uu ka baxay siyaasadii Somaliland.

"Waxan halkan ka caddaynayaa in aan ka tagay xisbigii Kulmiye ee aan ka ahaa guddoomiyaha saddexaad iyo dhamaan siyaasada Somaliland, oo wixii ay noqdeen qabiil, wakhti dheerna hada waan ka sokeeyay" ayuu yidhi Siciid.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu mudo badan ka maqnaa Somaliland, waxa kale oo uu boggaadiyay halkankii dadka reer Laascaanood ay kaga horyimaadeen Somaliland, isaga oo ku tilmaamay dabayl caafimaad.

Waxa uu sheegay in intii uu dagaalku socday uu ku sugnaa magaalada Jigjiga oo uu halkaa dagaalka kala socday.

Xuseen ayaa bilowgii dagaalka garaadada aad uga soo horjeedsaday, isaga oo sheegay in uu taageersanyahay ciidamada Somaliland, isla markaana waxa uu ku baaqay in cidkasta oo dagaalanta uu ciidanku iska difaaci doono.