7/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 4 , 2023
Magaalooyinka Goldogob Soomaaliya & Columbia Heights Minnesota oo la Mataaneeyey.

Talaado, Luulyo, 4, 2023 (HOL) -Minnesota Magaalada Columbia Heights Maktabadeeda ayaa waxaa ka dhacay kulan lagu saxiixayey mataaneen dhexmarta Magaalooyinka Goldogob Puntland ee Soomaaliya iyo Columbia Heights MN Maraykanka, waxaana labada magaalo u kala saxiiixay labada duqa Goldogob Cabdifataax Sh Ibraahim iyo Duqa Columbia Heights Amada Márquez Simula.


Magaallooyinka la mataaneeyo waa nooc heshiis ah oo u dhaxeeya bulsho labo deegaan oo kala duwan dagan,kuwaas oo kala fog juqraafi ahaan iyo siyaasad ahaanba ujeedaduna tahay horumarinta xiriirka dhaqanka iyo ganacsiga. 


Mataanaynta magaalooyinku waxay ku bilaabataa sababo kala duwan. Waxa laga yaabaa inay ka dhashaan xidhiidho ganacsi, socdaal iyo wax la mida 

waxayna bixisaa Mataaneentu fursado lagu dhiso saaxiibtinimo caalami ah oo waarta taas oo macno yeelan karta hadii ay miro dhasho.


 

Hishiiskii dhacay waxuu ahaa mid labada duq magaalo ay iska arkayeen shaashada fogaan araga ee zoomka oo isku mar qalinka ay tuugeen saxiixa.

Ayaanle Maxamed Jamaac oo ahaa hawl wadeenka hawshaan fakerkeeda & meelmarin teeda lahaa ayaa HOL u sheegay inay ku timi in isaga iyo dad Maraykanka oo wada dagaankaan ay ka wada shaqeeyaan horemarinta iyo isku xirka bulshooyinka kala duwan ee dagaanka magaaladda Columbia Heights ay ka  wada hadleen in magaaladooda Columbia Heights lala mataaneeyo kuwa Soomaaliya sidaasna ay ku doorteen Magaaladaas Goldogob Soomaaliya.


 Amada Márquez Simula duqa magaaladda lala mataaneyey Goldogaob ee Columbia Heights ayaa iyaduna sheegtay inay ku faraxsan tahay in qadka Zoomka iska arkeen Duqa Goldogob iyo Bulshada magaaladdaas iskuna gacan haadiyeen, waxayna raacisay inay farxad u ahayd inay saxiixto hishiiska mataaneenta sharaf bay ii tahay inaan qayb ka ahaado taariikhdan ayeey tiri Amada.


Minnesota horay waxaa magaalooyinkeeda loola Mataaneeyey labo magaalo oo Soomaaliya ku taal waa kuwa ganacsiga Minneapolis iyo Boosaaso iyo caasimadaha St Paul MN iyo Muqdisho,Boosaaso ayaa mar ka faaiiday Duqii xiligaa oo mar yimi iyo Baabuur wayn oo dabdamis ah iyo Bus yar oo lagu baaro Danbiyada mataaneentaas meel ay ku danbaysay lama oga is qabsi qabsi u dhaxeeyey gudigii hawshaas waday kadib, tii Muqdisho waxaa hakiyey geeridii Duqii saxiixi lahaa Ilaahau ha u naxariistee Eng Cabdiraxmaan Yariisow iyo Xanuunkii dunida  kala xiray safaradiisa oo karoonaha kadibna cid kale oo boorka ka jaftay ma aysan jirin.


Ayaanle Maxamed Jaamac iyo Gudigiisa ayaa balan qaaday inay dardargalin donaan in laga miro dhaliyo mataaneenta Goldogob iyo Tan Columbia Heights oo magaalo kooban oo Soomaali iyo muslimiiin fara badan dagan yahiin oo dhanka Waqooyi Bari ka xigta Magaaladda Minneapolis waxaana la sheegay inay dagan yahiiin in ka badan kow iyo labaatan kun oo qof.

Siyad Said Salah

Hiiraan online 

Minneapolis MN