7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 4 , 2023
Al-shabaab oo sheegatay Mas’uuliyada Weerarkii Hobiyeyaasha ee dadka ra’yidka ah ku dhinteen
 

Talaado, Luulyo, 4, 2023 (HOL) - Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyada Weerarkii Hobiyeyaashi ee saakay ku dhacay Xaafado u dhaw Madaxtooyada Soomaaliya.

Qoraal ay Kooxdu ku baahisay bogga ay Internet-ka ku lee yihiin ayey waxa ay ku shegeen in saakay ay tiro Madaafic ay ku garaceen Villa Soomaaliya.

Tirada Hobiyeyaasha oo gaarayay ilaa iyo 3 Hoobiye, ayaa mid ka mid ah waxa uu ku dhacay guri ay deggan yihiin dad shacabka ah oo ku yaalla Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir,  waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Gashaanle Sadiiq Aadan Doodishe, oo Warbaahinta dowladda la hadlay, ayaa sheegay in ay ruux lala xiriirinayo Hobiyeyaashi ku soo dhacay Magaalada la soo qabtay.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa hoosta ka xariiqay in Waaxda Barwaaqo ee Degmada Deyniile, Goof ku yaalla meel cid ah, ay si dhumaaleysi ah uga so tureen  ilaa dhowr xabo oo  Gantaal Macmal ah , oo ay ku qalqal geliyeen dadka shacabka ah waxa uu tilmaamay in nasiib darro mid kamid ah Hobiyeyaasha uu ku dhacay Guri dad ay deggan yihiin dad shacab ah, isla markaana ayna ku dhinteen Aabe iyo 3 Caruur ah oo u dhalay, halka ay ku dhaawacmeen labo kale oo isla Qoyska ka mid ah.